17 qof oo gaajo iyo cuduro darteed ugu geeriyootay xero barakacayaal oo ku taalla Muqdisho (DHAGEYSO)

Illaa 17 qof oo dad barakacayaal ah ayaa la sheegayaa inay ku geeriyoodeen xerada Daryeel oo ku taalla degmada Kaxda ee magaalada Muqdisho, sida uu sheegay horjoogaha xeradaasi oo lagu magacaabo Maxamuud Sheekh.

Dadkaasi geeriyooday oo isugu jira dad waaweyn iyo caruur ayaa la sheegayaa in gaajo iyo cuduro isugu darsamay awgeed ay u geeriyoodeen.

Xerada Daryeel oo ku taalla degmada Kaxda ee magaalada Muqdisho ayaa waxaa degan in ka badan 1500 qoys oo markoodii hore kasoo barakacay abaaraha ka jira gobolada dalka Soomaaliya.

Maamulka gobolka Banaadir ayaa la sheegayaa in dadkaasi uu ka joojiyay raashin loo karin jiray, kadib markii uu xilka la wareegay guddoomiyaha cusub ee gobolka Banaadir Thaabit Cabdi Maxamed.

Dhinaca kale, waxaa sii kordhaya qeylo dhaanta baahsan oo kasoo yeereysa dadka barakacayaasha ah ee ku jira xeradaasi Daryeel, inkastoo aanay jirin wax jawaab ah oo ay ka heleen maamulka gobolka Banaadir.

Maamulka gobolka Banaadir ayaa la sheegayaa inuu haatan ku mashquulsan yahay xuska maalinta 15-ka May ee dhalinyarada Soomaaliyeed (SYL), oo ku beegan maalinta berri oo Isniin ah.

error: Content is protected !!