Xildhibaanada Hirshabeele oo ka cabanaya ciidanka Itoobiya ee ku sugan Hiiraan (DHAGEYSO)

Xildhibaanada ka tirsan baarlamaanka maamulka Hirshabeele ayaa ciidamada Itoobiya ku eedeeyay in dad shacab ah oo aan waxba galabsan ku dileen deegaanada ku yaalla gobolka Hiiraan, gaar ahaan inta u dhaxeeysa magaalada B/weyne iyo deegaanka Halgan.

Xildhibaan C/raxmaan Maxamed Guure oo ka mid ah xildhibaanada baarlamaanka maamulka Hirshabeele oo la hadlay warbaahinta ayaa sheegay in ciidamada Itoobiya ay gobolkaasi Hiiraan ku dileen dad shacab ah oo tiradooda aan si sax ah loo hayn, kuwaas oo uu sheegay inay ahaayeen dad isugu jira caruur iyo haween.

“Waxaa nasoo gaartay cabasho badan oo inoo soo jeediyeen dadka xoolaladeeyda, beeraleyda iyo dadka tuulooyinka, in ciidanka Itoobiya ay dad badan oo isugu jira haween iyo caruur ku dileen inta u dhaxeeysa deegaanka Halgan iyo B/weyne, ma hayno tiro sax ah balse ciidankaasi ayaa markii ay dadka qabtaan la sheegay inay dilaan” Sidaas waxaa yiri Xildhibaan C/raxmaan Maxamed Guure

Dhinaca kale, xildhibaan C/raxmaan Maxamed Guure ayaa ka codsaday dowladda federaalka Soomaaliya iyo maamulka gobolka Hiiraan in ciidamada Itoobiya ee ku sugan gobolkaasi lagu darro ciidamo Soomaali ah oo dadka iyo dalka kala yaqaan, si looga badbaado dhibaatada ay ku hayaan shacabka ku sugan gobolkaas.

“Waxaa dowladda federaalka Soomaaliya iyo AMISOM ka codsanaynaa in ciidamadaasi Itoobiyaanka ee sida arxan daradda ah dadka u leeynaya, inay ku darraan dad kala yaqaana dadka iyo dalka, si looga bad-baado dilalka arxan daradda ah ay ku haayaan shacabka reer Hiiraan” Ayuu hadalkiisa ku daray xildhibaan C/raxmaan Maxamed Guure.

Si kastaba ha ahaatee, hadalka xildhibaan C/raxmaan Maxamed Guure ayaa kusoo beegmaya xilli ciidanka Itoobiya ay dhawaan dil naxdin leh ka geysteen deegaanka Beer-xaano oo ku yaalla duuleedka magaalada B/weyne ee xarunta gobolka Hiiraan.

error: Content is protected !!