DEG DEG:- Qarax gaari loo adeegsaday oo goordhaw ka dhacay magaalada Muqdisho

Gaari waxyaabaha qarxa laga soo buuxiyay ayaa goordhaw ku qarxay dhabarka dambe ee guriga hooyooyinka oo ku yaalla degmada X/weyne ee magaalada Muqdisho.

Gaarigaasi qarxay ayaa la sheegayaa inuu ahaa mid lasoo dhigay dhabarka dambe ee guriga hooyooyinka ee degmada X/weyne, waxaana xilliga uu qarxay gaarigaasi howgalo halkaasi ka waday ciidanka dowladda Soomaaliya, gaar ahaan kuwa nabad-sugidda qaranka ee NISA.

Qaraxaan ayaa kusoo beegmaya xilli maanta qeybo badan oo ka mid ah magaalada Muqdisho ay ka socdaan xuska munaasabadda maalinta dhalinyarada SYL ee 15-ka May.

Ciidanka nabad-sugidda qaranka ee NISA oo gaarigaan qarxay maalmihii ugu dambeysay ku raadjoogay ayaa ku howlanaa fashilinta qaraxaas, waxayna shacabka maanta u diidayeen inay maraan goobta gaarigaasi lasoo dhigay.

Illaa 5 qof ayaa la xaqiijiyay inay qaraxaasi ku dhaawacantay, kuwaas oo dhaawacooda loo qaaday xarumaha caafimaad ee ku yaalla magaalada Muqdisho.

Ma jirto dhimasho ka dhashay qaraxaasi, waxaana goobta uu qaraxa ka dhacay haatan ku sugan ciidanka dowladda Soomaaliya oo howlgalo ballaaran ka wada.

Dhinaca kale, wasiirka warfaafinta ee xukuumadda federaalka Soomaaliya Injineer C/raxmaan Cumar Cismaan (Yariisow) ayaa qoraal uu soo dhigay bartiisa Facebook-ga ku sheegay in ciidanka nabad-sugidda qaranka ee NISA ay haatan gacanta ku haayaan dadkii watay gaariga qarxay.

Wixii warkaan kusoo kordha dib kala soco Insha Allaah.

error: Content is protected !!