Faah faahin:- Qarax ka dhacay magaalada Muqdisho iyo dowladda Soomaaliya oo ka hadashay

Waxaa faah faahin dheeraad ah laga helayaa gaari waxyaabaha qarxa laga soo buuxiyay oo maanta qarxay dhabarka dambe ee guriga hooyooyinka oo ku yaalla degmada X/weyne ee magaalada Muqdisho.

Gaarigaasi qarxay ayaa la sheegayaa inuu ahaa mid lasoo dhigay dhabarka dambe ee guriga hooyooyinka ee degmada X/weyne, waxaana inta aanu gaarigaasi qarxin kahor howgalo halkaasi ka waday ciidanka dowladda Soomaaliya, gaar ahaan kuwa nabad-sugidda qaranka ee NISA.

Qaraxaan ayaa kusoo beegmaya xilli maanta qeybo badan oo ka mid ah magaalada Muqdisho ay ka socdaan xuska munaasabadda maalinta dhalinyarada SYL ee 15-ka May.

Ciidanka nabad-sugidda qaranka ee NISA oo gaarigaan qarxay maalmihii ugu dambeysay ku raadjoogay ayaa ku howlanaa fashilinta qaraxaas, waxayna shacabka maanta u diidayeen inay maraan goobta gaarigaasi lasoo dhigay.

Illaa 5 qof ayaa la xaqiijiyay inay qaraxaasi ku dhaawacantay, kuwaas oo dhaawacooda loo qaaday xarumaha caafimaad ee ku yaalla magaalada Muqdisho.

Ma jirto dhimasho ka dhashay qaraxaasi, waxaana goobta uu qaraxa ka dhacay haatan ku sugan ciidanka dowladda Soomaaliya oo howlgalo ballaaran ka wada.

Dhinaca kale, war-saxaafadeed goordhaw kasoo baxay xafiiska wasiirka warfaafinta ee xukuumadda federaalka Soomaaliya Injineer C/raxmaan Cumar Cismaan (Yariisow) ayaa lagu sheegay in ciidanka nabad-sugidda qaranka ee NISA ay haatan gacanta ku haayaan dadkii watay gaariga qarxay.

“Madaxda qaranka iyo dowladda federaalku waxey ammaaneen doorka hay’adaha amniga ay ku badbaadiyeen shacabka Soomaaliyeed oo aan wax qasaare ah geysan, sidoo kale waxaa gacanta lagu dhigay dadkii watay gaarigaas oo u socday inay shacabka dhibaateeyaan. Hay’adaha amniga ayaa gaarigaas ku raadjoogay ka dib markii shacabku ay soo gudbiyeen macluumaad muhiim u ahaa hay’adaha amniga. Macluumaadkaas ay shacabka soo gudbiyeen ayaa suurtogeliyey in dadkaas la qabto, isla markaasna la bad-baadiyey shacabka Soomaaliyeed.”

Ugu dambeyn, Injineer Yariisow ayaa shacabka Soomaaliyeed meel kasto oo ay joogaan ugu baaqay inay si buuxda u taageeraan hay’adaha amniga ee dlaka, si loo helo amni iyo nabad, taas oo ah mida kaliya ay dadka dhan u wada baahan yihiin.

Wixii warkaan kusoo kordha dib kala soco Insha Allaah.

error: Content is protected !!