Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed C/laahi Farmaajo ayaa agaasime ku-xigeenka cusub ee xarunta madaxtooyadda Soomaaliya u magacaabay C/laahi Aadan Kulmiye.
C/laahi Aadan Kulmiye oo aan la ogeyn shaqada uu ka qaban doonno xarunta madaxtooyadda ayaa la sheegayaa inuu u dhaxeyn doonno labada agaasime ee Abuukar Baalle iyo ku-xigeenkiiisa C/risaaq Shoole oo muddooyinkii ugu dambeysay ka dhaxeeysay loolan dhinaca awoodda ah.
C/risaaq Shoole ayaa la sheegaa inuu saaxiibo dhaw la yahay ragga ugu waaweyn ee maamulka madaxweyne Farmaajo, waxayna magacaabista C/laahi Aadan Kulmiye yareyn doontaa awoodda uu ku leeyahay madaxtooyadda Soomaaliya.
Madaxweyne Farmaajo ayaa tan iyo markii uu awoodda dalka la wareegay waxa uu is-bedel aan caadi ahayn ku sameeyay hanaanka maamuleed ee madaxtooyadda, iyadoona tan iyo xilligaasi uu wada bedelay dhamaan maamulkii hore ee lasoo shaqeeyay madaxweynihii hore ee Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud.