Ra’iisul wasaare Kheyre oo kullan gaar ah la yeeshay wasiirka arrimaha dibadda ee Norway (SAWIRO)

Ra’iisul wasaaraha xukuumada federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Cali Kheyre ayaa kullan gaar ah kula yeeshay magaalada Doha ee dalka Qadar, wasiirka arrimaha dibedda ee dowladda Norway Børge Brende, waxayna ka wada hadleen arrimo ku aadan horumarinta xiriirka labada wadan.

Ra’iisul wasaare Kheyre ayaa tilmaamay muhiimda ay leedahay sii xoojinta xiriirka labada dal ee soo jireenka ah, waxaana uu si weyn uga mahad celiyey doorka suuban ee ay dowladda Norway ku leedahay dib u dhiska Soomaaliya.

Sidoo kale, wuxuu ra’iisul wasaare Kheyre si weyn usoo dhaweeyey sida dowladda Norway ay xilligaan ugu heelan tahay inay gacan ka geysato dadaalada lagu xasilinaayo dalka iyo dhismaha dowladnimada Soomaaliya.

“Xiriirka u dhexeeya labada dowladood waa mid aad u xoogan, taageeradda ay Norway u fidiso Soomaaliyana waa mid sahlaysa dib u dhiska dalka, kadib burburkii xooganaa ee ku dhacay dadka iyo dalka Soomaaliyeed”. Sidaas waxaa yiri ra’iisul wasaare Kheyre

Ra’iisul wasaare Xasan Cali Kheyre Kheyre ayaa kulankii uu la qaatay wasiirka arrimaha dibadda ee Norway Mr. Børge Brende uga warbixiyay xaaladaha dalku maraayo iyo horumarada ay dowladdu ka sameeysay dhanka dowlad wanaagga iyo nabad kusoo dabaalidda guud ahaan dalkeenna.

Ugu dambeyn, wasiirka arrimaha dibadda ee dalka Norway Børge Brende ayaa xusay inuu ku faraxsan yahay kulanka uu la yeeshay ra’iisul wasaaraha Soomaaliya Xasan Cali Kheyre, wuxuuna tilmaamay in dowladdiisu ay si toos ah u garab taagan tahay lana shaqeyn doonto dowladda Soomaaliyeed.

error: Content is protected !!