Wareegto uu soo saaray madaxweynaha Ahlu-sunna oo lagu magacaabay taliyeyaal ciidan (AKHRISO)

Wareegto kasoo baxday xafiiska madaxweynaha maamulka Ahlu-sunna Waljameeca Sheekh Maxamed Shaakir Cali Xasan ayaa waxaa lagu magacaabay taliyeyaal ciidan oo hoggaamin doonna ciidamada maamulkaasi, iyadoona sidoo kale la ceyriyay taliyeyaal kale oo xilal haysay.

Taliyaha qeybta 21-aad ayaa waxaa loo magacaabay Maxamed Aadan Macalin, halka taliyaha ciidamada birmadka iyo taliyaha ciidanka madaxtooyada ee maamulkaasi loo kala magacaabay Cali Faarax Maxamuud iyo Maxamuud Yaasiin Faarax.

Magacaabista taliyeyaashaan ciidan ayaa imaanaysa xilli dhawaan wadahadal u socday maamulka Ahlu-sunna Waljameeca iyo kuwa Galmudug uu kusoo dhammaaday mid fashil ah, kadib markii Ahlu-sunna ay la timid shuruudo adag oo ay ka biyo diideen maamulka Galmudug.

Hoos ka aqriso wareegtada madaxweynaha maamulka Ahlu-sunna Waljameeca

error: Content is protected !!