Faah faahin:- Dagaalyahanadda Al-shabaab oo weerar xoogan iyo afduub ka geystay dalka Kenya

Dagaalyahanadda Al-shabaab ayaa habeenkii xalay weerar xoogan ku qaaday saldhig booliis oo ku yaalla deegaanka Cumar Jiiloow oo hoostaga degmada Mandheera ee gobolka Waqooyi Bari Kenya.

Weerarkaasi ayaa la sheegayaa inuu ka dhashay qasaare, waxaana la xaqiijiyay in illaa seddax qof oo isugu jira dad shacab ah iyo askar ka tirsan ciidanka Kenya ay ku dhimatay, iyadoona 2 kale weli la weysan yahay.

Taliyaha ciidanka booliska ee degmada Mandheera Suleymaan Rashiid ayaa beeniyay in 2 askari la weysan yahay.

Wuxuu Suleymaan Rashiid xaqiijiyay in dagaalyahanadda Al-shabaab ay dileen guddoomiyihii deegaanka Cumar Jiiloow oo magaciisa lagu sheegay Deeqow Cabeey Siraad, kadib markii ay gurigiisa weerareen.

Deeqow Cabeey Siraad ayaa la sheegayaa inuu ahaa nin ciidamada Kenya kala shaqeeyn jiray arrimaha ka hortagga Al-shabaab.

Dhinaca kale, waxaa la tuhunsan yahay in labada askari oo ay afduubteen dagaalyahanadda Al-shabaab in weerarkaasi ay iyaga ka dambeeyeen.

Dagaalyahanadda Al-shabaab ayaa inta badan weeraro joogto ah ku qaada gudaha dalka Kenya, gaar ahaan deegaanadda ku yaalla gobolka Waqooyi Bari ee Kenya.

error: Content is protected !!