Madaxweyne Farmaajo oo markii labaad lagu casuumay dalka Sucuudi Carabiya (AKHRISO)

Boqorka dalka Sucuudi Carabiya Boqor Salmaan Bin C/casiis ayaa warqad casuumaad rasmi ah u diray madaxweynaha Soomaaliya Maxamed C/laahi Farmaajo, si uu uga qeyb galo shir madaxeedka dalalka Carabta Islaamka iyo Mareykanka ee dalkaasi ka furmi doonno.

Safiirka Sucuudiga u fadhiya dalka Kenya islamarkaana qaabilsan Soomaaliya Dr. Maxamed C/qani Khayaat ayaa warqadaasi casuumaada ah soo gaarsiiyay madaxweyne Farmaajo, kadib kulan ay maalintii shalay ku yeesheen magaalada Muqdisho.

Shirkaan oo magaalada Riyaad ka furmi doonno 21-ka bishaan May, ayaa waxaa ka qeyb geli doonno madaxweynaha Mareykanka Donald Trump oo safarkiisii ugu horeeyay ee dibadda ah ku tagaya dalkaasi Sucuudi Carabiya.

Madax kala duwan oo ka kala socota illaa 17 dal Carbeed ah ayaa sidoo kale shirkaan lagu casuumay, waxaana madaxdaasi ka mid ah madaxweynaha Soomaaliya Maxamed C/laahi Farmaajo.

Dhammaan madaxdaasi Carbeed ayaa waxay la kulmi doonnaan madaxweynaha Mareykanka Donald Trump.

Waa markii labaad uu madaxweyne Farmaajo safar ku tago dalka Sucuudi Carabiya muddo seddax bilood gudaheed ah, tan iyo markii xilka loo doortay 8-da bisha Febraayo ee 2017-ka.

error: Content is protected !!