C/weli Gaas oo digniin culus u diray xildhibaanadii dhawaan ku kulmay magaalada Nairobi

Madaxweynaha maamulka Puntland C/weli Maxamed Cali Gaas oo haatan booqasho ku jooga dalka Norway ayaa uga digay xildhibaanada labada aqal ee baarlamaanka federaalka Soomaaliya inay dhibaato iyo jahwareer ka dhex abuuraan dowladda uu madaxweynaha ka yahay Maxamed C/laahi Farmaajo.

Madaxweyne Gaas oo hadal kooban ka jeediyay xaflad ay jaaliyadda Soomaaliyeed ee Norway kusoo dhaweeyeen ayaa tilmaamay xildhibaanadii dhawaan kulanka ku yeeshay magaalada Nairobi ay yihiin kuwa qas-wadayaal ah, oo aan awood u laheyn inay dumiyaan dowladda cusub ee federaalka Soomaaliya.

“Dhawaan waxaa magaalada Nairobi ku shiray xildhibaano ka tirsan baarlamaanka Soomaaliya ee labada aqal, waxaan xildhibaanadaasi u sheegaynaa marnaba ka yeeli mayno in dowlad 3 bilood jirta jahwareer iyo dhibaato laga dhex abuuro” Sidaas waxaa yiri madaxweyne Gaas

Dhinaca kale, madaxweyne Gaas ayaa sheegay in dowladda cusub ee federaalka Soomaaliya ay ka go’an tahay inay fulliso dhammaan heshiisyadii ay gashay, islamarkaana ay dhisto ciidan qaran oo guta waajibkiisa.

Ugu dambeyn, hadalkaan kasoo yeeray madaxweynaha maamulka Puntland C/weli Maxamed Cali Gaas ayaa kusoo beegmaya xilli dhawaan in ka badan 100 xildhibaan oo ka tirsan baarlamaanka federaalka Soomaaliya ay ku shireen magaalada Nairobi ee caasimadda dalka Kenya, iyadoona illaa iyo haatan aan la ogeyn waxa ay xildhibaanadaasi shirkooda kaga damacsanaayeen.

error: Content is protected !!