Faah faahin:- Dagaal maanta ka dhacay xaafadda H/wadaag ee magaalada B/weyne

Faah faahin dheeraad ah ayaa laga helayaa dagaal maanta xaafadda H/wadaag ee magaalada B/weyne ku dhexmaray ciidamo ka tirsan dowladda federaalka Soomaaliya iyo kuwa qaab maleeshiyo beeleed u abaabulan.

Labada dhinac ayaa la sheegayaa inay dagaalka isku adeegsadeen hubka noocyadiisa kala duwan, waxaana uu dagaalka bilawday xilli ay ciidamada dowladda federaalka Soomaaliya howlgalo culus ka wadeen xaafadda H/wadaag ee magaalada B/weyne.

Maleeyshiyada hubeysan ayaa la sheegayaa inay weerar kala horyimaadeen ciidanka dowladda oo howlgalada ka waday xaafada H/wadaag, waxaana dagaalkaasi ka dhashay qasaare isugu jira dhimasho iyo dhaawac.

Inta la xaqiijiyay waxaa dagaalkaasi ku geeriyooday 1 askari oo ka tirsan ciidankii dagaalay, iyadoona 2 kale ay ku dhaawacmeen, sida ay inoo xaqiijiyeen qaar ka mid ah dadka deegaanka.

Illaa iyo haatan ma jiro faah faahin intaasi dheer oo dagaalkaasi laga helaayo, waxaana inta badan xaafadda H/wadaag ee magaalada B/weyne sidaan oo kale hore ugu dagaalamay ciidamo ka tirsan dowladda iyo maleeyshiyo qaab beeleed u abaabulan.

error: Content is protected !!