Faah faahin:- Qarax gaari loo adeegsaday oo saakay ka dhacay magaalada Muqdisho

Gaari walxaha qarxa laga soo buuxiyay ayaa saakay ku qarxay xaafadda Xaawo Taako, gaar ahaan agagaarka saldhiga degmada Wadajir ee magaalada Muqdisho.

Gaariga qarxay ayaa la sheegayaa in ciidamada ammaanka ay ka shakiyeen, iyagoona kadib xiray goobta lasoo dhigay gaarigaasi, kahor inta aanu qarxin.

Qaraxaasi ayaa la xaqiijiyay inuu ku geeriyooday hal askari, halka 2 kalena ay ku dhaawacantay, sida uu inoo xaqiijiyay mid ka mid ah dadkii goob-joogayaasha ahaa.

Askariga geeriyooday ayaa la sheegayaa inuu ka mid ahaa ciidamadii doonaysay in gaariga qarxay ay ka furaan walxaha qarxa, wuxuuna gaariga qarxay inta aan qaraxa laga furin.

Dhinaca kale, gaariga qarxay ayaa la sheegayaa inay wateen labo nin oo dhalinyaro ah, waxaana markii ay arkeen ciidamada ammaanka ay ka baxsadeen goobtaas.

Ciidamada ammaanka ayaa la sheegayaa inay markii dambe ay toogteen mid ka mid ah raggii watay gaariga, halka midka kalena uu baxsaday.

Ninka la toogtay ayaa la sheegayaa inuu soo gaaray dhaawac culus, waxaana haatan gacanta ku haaya ciidanka ammaanka ee dowladda Soomaaliya.

Maalintii Isniinta ayay ahayd markii gaari walxaha qarxa laga soo buuxiyay uu ku qarxay dhabarka dambe ee guriga hooyooyinka ee degmada X/weyne, xilli qeybo badan oo ka mid ah magaalada Muqdisho ay ka socdeen xuska munaasabadda maalinta dhalinyarada SYL ee 15-ka May.

error: Content is protected !!