Ra’iisul wasaare Kheyre oo maanta kormeer ku tagay dekedda Muqdisho (SAWIRO)

Ra’iisul wasaaraha xukuumadda federaalka ee Soomaaliya Mudane Xasan Cali Kheyre oo weheliyaan qaar kamid ah golaha wasiirada ayaa maanta booqday dekedda magaalada Muqdisho, waxayna kulan looga hadlayey dar-dargelinta howlaha shaqo la qaateen maamulka dekedda.

Ra’iisul wasaare Kheyre ayaa kala hadlay maamulka howlaha ka socda dekadda iyo sidii loo horumarin lahaa shaqada, waxuuna weydiiyay waxyaabaha loo baahan yahay ee ka dhiman dekedda Muqdisho.

Sidoo kale, ra’iisul wasaare Kheyre ayaa la falan qeeyay maamulka dekedda geedi socodka shaqada iyo qorsha dhaw ee la rabo in wax looga badelo qaab dhismeedka dekedda, waxuuna bogaadiyey sida ay howluhu u soconayaan.

Dhanka kale, ra’iisul wasaare Kheyre ayaa maamulka Maaliyadda gaar ahaan qeybta furdada Xamar kala sheekeystay sida loo maareeyo dakhliga kasoo xarooda dekedda iyo meelaha ay ku baxaan, isagoo madaxda ugu baaqay inay ka fogaadaan musuq-maasuqa oo uu ra’iisul wasaarahu sheegay inuu yahay cadowga koowaad ee dowladnimada.

“Waxaan idinka codsanayaa inaad soo sheegtaan qofkii aad ku aragtaan ama aad dareentaan, isagoo samaynaya qorshe la xariira musuq-maasuq, waxaan idin ballan qaadaynaa tallaabo sharci ah inaan ka qaadno” Sidaas waxaa yiri ra’iisul wasaare Xasan Cali kheyre.

Ugu dambeyn, ra’iisul wasaare Kheyre ayaa intii uu ku guda jiray kormeerkiisa wuxuu boggaadiyey horumarka baaxadda leh ee ka socda dekedda, isagoo ka dalbaday maamulka iyo shaqaalaha dekedda inay sii wadaan howsha ay qaranka u hayaan.

error: Content is protected !!