DEG DEG:- Ciidamo gadoodsan oo la wareegay xarunta wasaaradda gaashaandhiga Soomaaliya

Waxaa daqiiqado kahor xarunta wasaaradda gaashaandhiga ee magaalada Muqdisho la wareegay ciidamo ka gadoodsan mushaar la’aan, kuwaas oo xiray dhammaan wadooyinka soo gala wasaaradaas.

Ciidamadaasi ayaa ku andacoonaya inaysan helin in muddo wax mushaar ah, waxayna maanta hakad geliyeen dhamaan howlihii ka socday wasaaradaasi, iyagoona sidoo kale xiray wadadda warshadaha illaa isgoyska Tarabuunka ee magaalada Muqdisho.

Ciidamadaasi oo si weyn u hubeysan ayaa haatan lagu qancinaayaa inay isaga baxaan xarunta wasaaradda gaashaandhiga, islamarkaana wixii mushaaraad ah oo ay xaq u leeyihiin la siin doonno.

Illaa iyo haatan ma jiro wax war ah oo kasoo baxay mas’uuliyiinta sare ee dowladda Soomaaliya, kaas oo ay kaga hadlayaan ciidankaan ka gadoodsan mushaar la’aanta.

Gadoodka ciidankaan ayaa kusoo beegmaya xilli dhawaan madaxweyne Farmaajo uu sheegay in dowladiisa ay bixisay mushaarkii ciidamada iyo shaqaalaha dowladda bishii Janaayo illaa April.

Wixii warkaan kusoo kordha dib kala soco Insha Allaah

error: Content is protected !!