Guddoomiye ku-xigeenka labaad ee baarlamaanka Hirshabeele oo dhaawac soo gaaray

Guddoomiye ku-xigeenkii labaad ee baarlamaanka maamulka Hirshabeele Marwo Canab C/laahi Ciise ayaa la sheegayaa inay ku dhaawacantay shil saakay ka dhacay tuuulada Boorow ee duuleedka magaalada Jowhar, kadib markii gaari ay la socotay uu qalibmay.

Dhaawaca guddoomiye ku-xigeenka labaad ee baarlamaanka Hirshabeele Canab C/laahi Ciise ayaa la sheegayaa inuu yahay mid fudud, waxaase burbur aad u weyn soo gaaray gaarigii ay la socotay.

Marwo Canab C/laahi Ciise ayaa la sheegayaa in xilliga ay shilka galeeysay ay kusoo wajahneed magaalada Muqdisho, waxaana dhaawaceeda dib loogu celiyay Isbitaalka magaalada Jowhar, halkaas oo haatan lagu daweynayo.

Shilkaan ayaa la sheegay inay ugu wacan tahay burburka baahsan ee ka jira wadada isku xirta magaalooyinka Muqdisho iyo Jowhar, waxaana inta badan wadadaasi ka dhaca shilal sababa dhimasho iyo dhaawac.

error: Content is protected !!