Ninkii waday gaari lagu qarxiyay suuqa Beerta oo saakay xukun dil ah lagu fulliyay (SAWIRO)

Maxkamadda ciidamada qalabka sida ayaa maanta xukun dil ah ku fullisay C/qaadir Cabdi Xasan oo ah ninkii waday gaari sanadkii hore lagu qarxiyay suuqa Beerta ee degmada Waaberi ee magaalada Muqdisho.

Dilka ninkaan ayaa ka dhacay xarunta ciidanka booliska ee Jen. Kaahiye, iyadoo ay fulliyeen koox ciidamo ah.

Ninkaan oo ay hore u xukuntay maxkamadda ayaa ahaa dil suge, waxaana qaraxii uu geystay ku geeriyootay illaa 30 qof iyo dhaawaca 50 kale.

Dhammaan dadkaas ayaa ahaa kuwii ku ganacsanaayay laamiga hareerihiisa iyo dadkii shacabka ahaa ee usoo adeeg doontay suuqaasi.

Dilka ninkaan lagu fulliyay ayaa yimid kadib markii uu horay u qirtay dambiga lagu soo eedeeyay iyo inuu ka tirsanaa Al-shabaab.

Maxkamada ciidamada qalabka sida ayaa inta badan xukuno dil ah ku fullisa xubnaha ka tirsan Al-shabaab iyo ciidamada geysta dilalka dadka rayidka ah, waxaana ay maxkamadda illaa iyo haatan dil ku fullisay 8 qof oo dil lagu xukumay.

error: Content is protected !!