Tarsan oo weerar ku qaaday xildhibaanadii dhawaan ku kulmay magaalada Nairobi

Guddoomiyihii hore ee maamulka gobolka Banaadir Maxamuud Axmed Nuur Tarsan ayaa weerar kulul ku qaaday xildhibaanada baarlamaanka Soomaaliya ee dhawaan kulanka ku yeeshay magaalada Nairobi ee caasimadda dalka Kenya.

Xildhibaanadaasi ayaa kullankooda Nairobi kaga dhawaaqay madasha Horusocod oo ay guddoomiye u doorteen C/rashiid Maxamed Xidig.

Siyaasi Tarsan oo bartiisa Facebook-ga soo dhigay qoraal kooban ayaa nasiib darro ku tilmaamay in dad ku fashilmay siyaasadda dalka inay lacago laaluush ah ku bixinayaan xildhibaanada, si ay jahwareer iyo fowdo uga dhex abuuraan dowladda cusub ee Soomaaliya.

Arrinkaasi ayuu siyaasi Tarsan ku eedeeyay inay ka dambeeyaan kuwii hormuudka u ahaa doorashadii dadbaneyd kadibna ku guuldareystay, iyagoo haatan ku andacoonaya inay u damqanayaan shacabka Soomaaliyeed.

“Ummadda Somaaliyeed iloobi ogaa waxa soo maray, shalay kuwii afar sano ka dhumiyay, kuwii hal habeen $13,000,000 ku bixiyay laaluush markaas oo dad badan oo Soomaali ah ay u dhimanahayeen macluul xoolahoodina ay ku dhamanahayeen abaarta. Kuwii dulmiga iyo musuq maasuqa doorashadii dadbaneyd horseedka ka ahaa, kuwii boobey hantida ay ummadu isla laheyd, kuwii dafirey tariikhdii iyo himiladii ummadda Somaaliyeed si u gaaraan danahooda raqiiska, kuwii u adeegi jiray danaha shisheeye. Kuwaas ayaa maanta noo sheegaya in ay u danqayaan danaha shacabka in ay ka fakarahayaan maslaxada ummadda Somaaliyeed. WAA NA SIIBDARO IN AAN DHEGAHA U TAAGNO”¬†Sidaasi waxaa bartiisa Facebook-ga ku yiri Maxamuud Axmed Nuur Tarsan.

error: Content is protected !!