Guddoomiye Thaabit oo ka hadlay cabashooyinka uga imaanaya dadka shacabka ah (DHAGEYSO)

Guddoomiyaha gobolka Banaadir ahna duqa magaalada Muqdisho Thaabit Cabdi Maxamed ayaa ka war-bixiyay qorshaha uu maamulkiisa ka damacsan yahay wax ka qabashada cabashada bulshada uga imaaneysa ee ku aadan guryaha lakala heysto, isagoona ballan ku qaaday in arrinkaasi ay si deg deg ah wax uga qaban doonaan.

Guddoomiye Thaabit ayaa sheegay in maamulkiisa uusan marnaba aqbali doonin in qof guri xoog looga heysto magaalada Muqdisho, hadii uu ahaado qof liita, mid culus iyo waliba mas’uul ka tirsan dowladda in gurigiisa dib loogu soo celin doonno.

“Waxaa rabaa meeshaan inaan ka sheego annaga ka maamul gobol Banaadir ahaan, Ilaahay idinkiisa waxaa naga go’an arrimaha guryaha, ha karaameysnaado, ha weynaado, madax ha ahaado, qof maskiin ha ahaado, awood ha lahaado, yuusan lahaanin inaan Alle idinkiisa ka daba tagno, oo aan magacaawno, oo aan sheegno, qofka guri islaameed degan ama qof guri ku heysta, maanta fursad laguugu karaameyn karo ayaad heysataa, banaanka usoo bax dad wanaagsan oo ku karaameynaayo ayaa jiro, hadii aadan yeellinaa annaga cadaaladaasi waan ka daba-tageeynaa Insha Allaah” Sidaasi waxaa yiri guddoomiyaha gobolka Banaadir Thaabit Cabdi Maxamed.

Dhinaca kale, guddoomiye Thaabit ayaa sheegay in maamulkiisa uu cadaalad u sameyn doonno dadka uu mas’uulka ka yahay ee ku nool magaalada Muqdisho, isagoona ballan ku qaaday inaysan marnaba ogolaan doonin in qof guri uusan lahayn xoog ku heysta.

Guddoomiye Thaabit oo hadalkaan ka sheegay mar uu ka hadlaayay xaflad isaga lagu taageerayay oo ka dhacday magaalada Muqdisho, ayaa caddeeyay in maamulkiisa uu ku dadaali doonno sidii dib loogu soo celin lahaa amniga, taas oo aas-aas u ah in marka hore ay caddaalad timaado.

error: Content is protected !!