Roob aad u xoogan oo xalay ka da’ay Muqdisho iyo dad ku dhintay daad ka dhashay roobkaas (SAWIRO)

Waxaa degmooyinka magaalada Muqdisho ee caasimadda dalka Soomaaliya ka da’ay roobkii gu’ga, kaas oo si aad ah looga dareemay qeybaha kala duwan ee magaalada.

Roobka oo bilawday gelinkii dambe ee shalay ayaa socday illaa xalay saqdii dhexe, waxaana jiro qasaarooyin kala duwan uu roobkaasi geystay.

Qasaaraha ugu badan uu roobkaasi geystay ayaa waxaa soo gaaray dadka barakacayasha ah ee ku nool qeybo ka mid ah magaalada Muqdisho.

Wadooyinka qaar ee magaalada Muqdisho ayaa waxaa fariistay biyaha roobkii xalay da’ay, waxaana wadooyinka qaar fariistay biyaha roobka.

Gawaarida dadweynaha qarkood ayaa la arkayay iyagoo aan gaareynin goobihii horay looga raaci jiray kaas oo dadka qaarkood ay cagtooda maalayaan.

Dhinaca kale, daad ka dhashay roobkii xalay ayaa la sheegayaa inay ku geeriyootay labo caruur iyo oday waayeel ah, kadib markii uu qaaday daad ka dhashay biyaha roobka oo ka da’ay degmada Boondheere ee magaalada Muqdisho.

Muddooyinkii ugu dambeysay ayaa waxaa gobolada dalka Soomaaliya ka jiray abaaro baahsan, kadib markii roobka la sugaayay xilliga gu’ga uu kasoo dib dhacay.

error: Content is protected !!