Cosoble “Marka laga hadlaayo, Muqdisho iyo gobolka Banaadir labo ayay kala tahay..” (DHAGEYSO)

Madaxweynaha maamulka Hirshabeele Cali C/laahi Cosoble ayaa markii ugu horeeysay ka hadlay maqaamka maamulka gobolka Banaadir, oo maalmahii ugu dambeysay arrintiisu si weyn loo hadal haayay.

Madaxweyne Cali C/laahi Cosoble ayaa sheegay in sida loo fasiraayo Muqdisho iyo gobolka Banaadir uu qalad weyn ka jiro, isagoona caddeeyay in Muqdisho ay tahay caasimadii ayna u baahan tahay maqaam gaar ah, laakiin gobolka Banaadir uu yahay deegaan ay dad leeyihiin oo ay ku abtirsadaan, xuquuqdiisiina ay maqan tahay.

“Marka laga hadlaayo, Muqdisho iyo gobolka Banaadir labo ayay kala tahay, meesha uu qaladka ka jira waa midaas, Muqdisho waa caasimadda dalka, waxaa ku taala, madaxtooyadii, safaaradaha ayaa degan, garoonka diyaaradaha iyo dekeda, laakiin gobolka Banaadir waa gobol waa deegaan, dad fac ka fac degenaa, dadka ayaa deegaanka is ka leh, in gobolka Banaadir sababta uu u jiro micnaheeda waxa weeyaan inuu yahay deegaan dad leeyahay, ” Sidaas waxaa yiri Cali C/laahi Cosoble oo ah madaxweynaha maamulka Hirshabeele.

Ugu dambeyn, madaxweyne Cali C/laahi Cosoble ayaa ka hadlay horumarada ay ku tallaabsadeen gobolada ka jira, isagoona tusaale usoo qaatay maamulada Somaliland, Puntland iyo Galmudug, isagoona maamulka uu isaga  madaxweynaha ka yahay ku sheegay inuu yahay mid cusub oo isna la jaan-qaadi doonno  maamulada kale ee dalka ka jira.

error: Content is protected !!