Diyaaradda Turkish Airlines oo maanta ku degi weysay garoonka Aadan Cadde ee Muqdisho

Diyaarad rakaab ah oo ay leedahay shirkadda Turkish Airlines ayaa la sheegayaa inay maanta ku degi weysay garoonka diyaaradaha Aadan Cadde ee magaalada Muqdisho, kadib markii ay lugihii u bixi waayeen.

Diyaaradaasi oo muddo seddax jeer ah ku dul wareegatay garoonka Aadan Cadde ayaa ugu dambeyn u jiheeysatay dhinaca dalka Jabuuti, iyadoona rakaabkii ay waday ku dejisay magaalada Jabuuti.

Maamulka diyaaradda shirkadda Turkish Airlines oo ka hadlay ciladda ku timid diyaaradooda ayaa sheegay inay diyaaradda u deggi weysay hawada oo xumeyd awgeed.

Dadkii ku sugnaa garoonka Aadan Cadde ee dusha ka daawanayay ciladda haysatay diyaaradaasi ayaa warbaahinta Bulshoweyn u sheegay inay aad uga naxeen, kadib markii ay arkeen inay diyaaradda degi weysay, waxaana dadkaasi qaarkood ku jiray dad sugaayay inay diyaaradaas raacaan.

Waa markii ugu horeeysay oo diyaaradda Turkisha Airlines ay cilad lasoo gudboonaato, xilli ay rabtay inay kusoo degato garoonka diyaaradaha Aadan Cadde ee magaalada Muqdisho.

error: Content is protected !!