Madaxweyne Farmaajo oo maanta u amba-baxay magaalada Riyaad ee dalka Sucuudiga

Wafdi uu hoggaaminaayo madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed C/laahi Maxamed Farmaajo ayaa maanta ka dhoofay garoonka diyaaradaha Aadan Cadde ee magaalada Muqdisho, iyagoona kusii jeeda magaalada Riyaad ee dalka Boqortooyadda Sucuudi Carabiya.

Madaxweyne Farmaajo ayaa lagu wadaa markii uu gaaro magaalada Riyaad inuu halkaasi uga qeyb-galo shirka ay halkaasi ku yeelanayaan madaxda dalalka Islaamka iyo madaxweynaha Mareykanka Donald Trump.

Shirkaan oo looga hadli doonno arrimo kala duwan ayaa furmi doonno maanta oo Axad ah, waxaana shirkaas lagu casuumay madax kala duwan oo ka kala socota illaa 17 dal Carbeed ah iyo madaxweynaha Mareykanka Donald Trump.

Sidoo kale, madaxda shirkaasi lagu casuumay ayaa waxaa ka mid ah madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed C/laahi Farmaajo.

Madaxweyne Farmaajo ayaa magaalada Riyaad kula kulmi doonno madaxda dalalka Islaamka iyo madaxweynaha Mareykanka Donald Trump oo haatan halkaasi ku wada sugan.

Safarka madaxweyne Farmaajo ee magaalada Riyaad ayaa yimid kadib markii uu casuumaad rasmi ah ka helay Boqorka dalka Sucuudiga Salman Bin Cabdicasiis.

Waa markii labaad uu madaxweyne Farmaajo safar ku tago dalka Sucuudi Carabiya muddo seddax bilood gudaheed ah, tan iyo markii xilka loo doortay 8-da bisha Febraayo ee 2017-ka.

Wixii warkaan kusoo kordha dib kala soco Insha Allaah

error: Content is protected !!