Mid ka mid ah taliye ku-xigeenadda hay’adda nabad-sugidda qaranka ee NISA oo is-casilay (AKHRISO)

Taliye ku-xigeenkii dhinaca howlgallada hay’adda nabad-sugidda iyo sirdoonka qaranka ee NISA C/salaan Yuusuf Guuleed “Daljir” ayaa shaaciyay inuu iska casilay xilkii uu haayay, kadib markii warqada is-casilaadiisa uu u gudbiyay madaxweynaha Soomaaliya Maxamed C/laahi Farmaajo.

C/salaan Yuusuf Guuleed “Daljir” oo in muddo ah ka shaqeeynayay hay’adda nabad-sugidda Qaranka ee NISA ayaa ka gaabsaday inuu sheego sababta keentay in xilkaasi uu iska casilo.

Dhinaca kale, warar hoose oo ay warbaahinta Bulshoweyn heshay ayaa sheegaya in C/salaan Daljir uu xilka isaga casilay kadib markii uu saluugay qaabka ay u socdaan shaqooyinka hay’adda NISA.

C/salaan Daljir ayaa la sheegayaa inuu ka carooday tallooyin uu hore ugu jeediyay hay’adda NISA balse waxba kama jiraan laga soo qaaday, taas oo ugu dambeyn sababtay inuu xilka iska casilo.

error: Content is protected !!