Haweeney hore uga tirsanaan jirtay ciidanka booliska ee waqooyiga Gaalkacyo oo la dilay

Wararka naga soo gaaraya waqooyiga magaalada Gaalkacyo ee xarunta gobolka Mudug ayaa sheegaya in maanta halkaasi lagu dilay haweeney ganacsato aheyd oo lagu magacaabi jiray Warsan Faarax Yacquub.

Haweeneydaan la dilay oo hore uga tirsanaan jirtay ciidamada booliska Puntland ee waqooyiga Gaalkacyo balse markii dambe isaga baxday ayaa la sheegayaa inuu dilkeeda ka dambeeyay nin ku hubeysnaa qoriga AK-47.

Dilka haweeneydaas ayaa yimid kadib markii ninkaas hubeysan uu isku dayay inuu haweeneydani dhac u geysto, balse markii ay la dagaashay uu rasaasta ku furay, iyadoona islamarkiiba goobtaasi ku geeriyootay.

Ninka falka dilka ah geysay ayaa la sheegayaa inuu goobta isaga baxsaday, waxaana markii dambe halkaasi soo gaaray ciidamo ka tirsan booliska waqooyiga magaalada Gaalkacyo oo howlgalo baaritaano ah halkaasi ka sameeyay.

Illaa iyo haatan lama oga sababta rasmiga ah ee ka dambeysay dilka haweeneydaasi, waxayna ciidanka booliska ee waqooyiga magaalada Gaalkacyo haatan ku howlan yihiin sidii ay gacanta ugu soo dhigi lahaayeen gacan ku dhiiglahaasi dilka geystay.

error: Content is protected !!