Madaxweyne Erdogan oo shalay dib loogu doortay guddoomiyaha xisbiga AK party

Madaxweynaha dalka Turkiga Recep Tayyib Erdogan ayaa maalintii shalay markale dib loogu doortay guddoomiyaha xisbigiisa AK party, kadib markii uu helay codad gaaraya 1,414 oo ergadda xisbigiisa ah.

Madaxweyne Erdogan oo ahaa musharaxa kaliya ee xilkaasi u tartamayay ayaa sidoo kale hore u helay aftidii dadweyne ee keentay inuu noqdo madaxweyne awood badan oo aan laga daba hadli karin.

Sidoo kale, madaxweyne Erdogan ayaa noqonaya hogaamiyihii ugu horeeyay ee dalkaasi Turkiga muddo 70 sano kahor halmar wada qabta xilka madaxweynaha iyo hoggaanka xisbigiisa ee AK party.

Madaxweyne Erdogan oo khudbad ka jeediyay magaalada Ankara kadib dib u doorashadiisa ayaa sheegay in weji cusub u furmay xisbiga, una shaqeyn doonno danaha dalka iyo dadka.

In ka yar saddex sano ayuu xilkaan ka degay madaxweyne Erdogan, waxaana u suurta-gelisay inuu dib ugu soo laabto aftidii bishii hore ka dhacday dalka Turkiga, waxaana dastuurka cusub uu madaxweynaha siinayaa inuu xisbi ka mid noqon karo.

“Intii aan madaxa hoos u dhigi laheyn waxaa ka door-bideynaa inaan mustaqbalka anagoo isku kalsoon gacan adag kala hortagno canaasiirta ku jirta gudaha dalkeena iyo dibadaba” Sidaas waxaa yiri madaxweyne Erdogan.

error: Content is protected !!