Ra’iisul wasaare Kheyre oo dhiiri-geliyey ciidamada howlgalka hubka kusoo ururiyey (SAWIRO)

Ra’iisul wasaaraha xukuumada federaalka Soomaaliya, Mudane Xasan Cali Kheyre ayaa maanta booqday xarunta ciidamada wadajirka ah ee fulinaya qorshaha xasilinta caasimada Muqdisho ka dib howlgal ay saakay sameeyeen oo ay kusoo qab-qabteen hub iyo aalado kale.

Sidoo kale, ra’isul wasaaraha ayaa shacab iyo arday la fariistay goobaha shaaha lagu cabo ee degmada Wardhiigley, isagoo la sheekeystay dhalinyaradii iyo ardeydii halkaas ku sugneyd.

Ra’iisul wasaare Kheyre oo hadal dhiiri-gelin ah u jeediyey ciidamada howlgalka Muqdisho ayaa ku ammaanay doorkooda geesinimada leh oo ay u istaageen inay shacabka Soomaaliyeed amnigooda iyo xasilloonidooda sugaan.

Ra’iisul Wasaaraha ayaa sheegay in maanta la joogo waqtigii xoojinta midnimada ummadda iyo u istaagista difaaca shacabka.

Ciidanka wadajirka ah oo saakay aroortii 6da subaxnimo ka bilaabay howlgalkooda degmada Wadajir, xaafada Xaawo Taako ee Siliga Ameerikaanka ayaa gacanta ku soo dhigay 17 Qori iyo 3 bistooladood, tuutaha militariga, kan booliiska, calaqa iyo xashiish.

Ciidanka ayaa sidoo kale isla maanta howlgal kaa la mid ah ka sameeyey degmada Shingaani oo ay baaris ku sameeyeen goob hubka lagu sameeyo, laguna gado.

Ciidanka ayaa la soo wareegay qalabkii sameynta hubka iyo kuwii hubka looga baabi’inayey numberkooda. Waxaan goobtaas laga soo helay 2 Qori iyo 3 Bistooladood.

Ra’iisul Wasaaraha ayaa maqaayad ku taala Wardhiigley la fariistay dhalinyaro halkaas joogtay oo uu ka wareystay xaaladooda. Waxaana halkaas ku soo maray ardey iskuul ka soo baxday oo uu Ra’iisul Wasaarahu wareystay xaalada waxbarashadooda.

Waxaana gabdhihii ardeyda ee uu la kulmay ka mid ahaa gabdho ka yimid London UK oo Wardhiigley iskuul ka dhigta, iyagoo sheegay sida ay ugu faraxsanyihiin inay madaxdooda la sheekeystaan iyo inay Soomaaliya wax ku bartaan.

DHAMAAD

Xafiiska Warbaahinta iyo Xiriirka
Muqdisho, Somalia
media@opm.gov.so
Ahmednur@opm.gov.so
Twitter: @SomaliPM

error: Content is protected !!