DAAWO MUUQAAL:- Gabar guursatay wiil Gabooye ah oo jirdil iyo xarig la isugu daray

Gabar lagu magacaabo Hoodo Mukhtaar Yuusuf Faarax una dhalatay beesha Isaaq ayaa xarig iyo jirdil kala kulantay qoyskeeda, kadib markii ay si qarsoodi ah u guursatay nin kasoo jeeda beesha Gabooye.

Hoodo oo la hadashay warbaahinta ayaa u sheegtay in wiil u dhashay beesha Gabooye ay si qarsoodi ah muddo seddax bilood ah isku qabeen kadib markii reerkeeda ay u diideen inay isguursadaan, balse markii dambe oo ay reerkeeda ogaadeen ay jirdil iyo xarig u geysteen.

Dhinaca kale, aabaha dhalay wiilka guursaday gabadha ayaa mar uu isku dayay inuu la hadlo gabadha aabaheed ayaa isna la kulmay aflagaado iyo garaacis, isagoona tilmaamay inaanu garanayn sababta ay arrinkaasi u dhacday balse ku tilmaamay inay tahay oo kaliya arrin qabiileed.

Ugu dambeyntii, odayaasha dhaqanka ee magaalada Hargeysa oo ka hadlay dhacdadaan ayaa sheegay inay aad uga xun-yihiin, iyagoona dhinaca kale ugu baaqay dhamaan culumadda Soomaaliyeed gaar ahaan kuwa Somaliland inay jawaab deg deg ah ka bixiyaan dhacdadaan sida weyn looga hadal haayo deegaanada Somaliland.

error: Content is protected !!