DEG DEG:- Dagaal aad u culus oo haatan ka socdo deegaanka No.50 ee gobolka Sh/hoose

Wararka naga soo gaaraya deegaanka No.50 ee gobolka Sh/hoose ayaa sheegaya in goor-dhow uu halkaasi ka bilawday dagaal aad u culus oo u dhaxeeya ciidanka dowladda Soomaaliya iyo dagaalyahanadda Al-shabaab.

Dagaalkaasi oo u muuqda mid rogaal celis ah oo ay soo qaadeen dagaalyahanadda Al-shabaab ayaa la isku adeesanayaa hubka noocyadiisa kala duwan, waxaana xaalad cabsi ah soo wajahday dadka deegaanka.

Habeenkii xalay ayay ahayd markii dagaalyahano ka tirsan Al-shabaab ay sidaan oo kale weerar ugu soo qaadeen deegaanada No. 50 iyo Laanta-buur ee gobolka Sh/hoose, iyagoona gubay tuulooyin islamarkaana qafaashay dad badan oo rayid ah.

Dagaalka haatan ka socda deegaanka No.50 ayaa la sheegayaa inuu saameyn aad u ballaaran ku yeeshay isku socodka gaadiidka iyo dadweynaha ee isaga kala gooshi jiray magaalooyinka Muqdisho iyo Afgooye ee gobolka Sh/hoose.

Wixii warkaan kusoo kordha dib kala soco Insha Allaah

error: Content is protected !!