Faah faahin:- Qarax ay dad badan ku dhinteen oo xalay ka dhacay magaalada Manchester (SAWIRO)

Qarax aad u xoogan ayaa habeenkii xalay lagu weeraray goob ay ka socotay bandhig faneed oo ku taalla magaalada Manchester ee dalka Ingiriiska, waxaana qaraxaasi ka dhashay qasaare isugu jira dhimasho iyo dhaawac.

Qaraxaasi ayaa dhacay xilli ay soo gaba-gaboowday bandhig faneed ka socotay fagaare ku yaalla magaalada Manchester.

Fanaanada caanka ah ee u dhalatay dalka Mareykanka Ariana Grande oo bandhig faneedkaasi qabatay ayaa la sheegayaa in qaraxa kadib ay goobtaasi isaga carartay.

Illaa iyo haatan waxaa la xaqiijiyay inay qaraxaasi ku dhinteen 20 qof, halka dhaawaca uu yahay 60 kale.

Booliska dalka UK ayaa sheegay in weeerarkaasi loo adeegsaday walxaha qarxa, islamarkaana ay suurta-gal tahay in qasaaraha dhimasho uu intaasi kasii kordho.

Sidoo kale, ra’iisul wasaaraha dalka UK Theresa May ayaa si kulul u cambaareysay weerarkaasi, waxayna sheegtay in weerarkaasi ay ula dhaqmayaan mid argagaxiso ah.

Dhinaca kale, dad badan oo shacab ah ayaa weli lagu la’yahay qaraxa, kadib markii dadku is buurteen, waxaana baraha bulshada loo adeegsanayaa in lagu helo dadka ka maqan qoysaskooda.

Si kastaba ha ahaate, qaraxaan ayaa noqonaya kii ugu qasaaraha badnaa ee ka dhaca gudaha dalka UK, tan iyo 7-dii bisha July 2005-ka, xilligaasi oo ay 5 nin isku qarxiyeen goobaha laga raaco tareenadda iyo basaska.

Weerarkaasi ayaa la sheegayaa inay ku dhinteen in ka badan 50 qof, halka tiro intaasi ka badan ay ku dhaawacantay.

error: Content is protected !!