Guddoomiyeyaasha cusub ee degmooyinka gobolka Banaadir oo caawa la magacaabay (DHAGEYSO)

Wareegto caawa kasoo baxday xafiiska wasiirka arrimaha gudaha ee xukuumadda federaalka Soomaaliya Cabdi Faarax Saciid “Juxa” ayaa xilalkii looga qaaday illaa 15 guddoomiyeyaal degmo oo tan iyo sanadkii 2014-ka xilalka soo haayay.

Sidoo kale, wareegtadaasi ayaa waxaa lagu magacaabay guddoomiyeyaasha cusub ee degmooyinka gobolka Banaadir oo ay ku jiraan dhowr haween iyo dad qurbe-joog ah, waxaana magacyadda guddoomiyeyaasha cusub iyo kuwa xilalka laga qaaday saxaafadda u aqriyay afhayeenka maamulka gobolka Banaadir C/fitaax Cumar Xalane.

Xil ka qaadistaan ayaa la sheegayaa inay ka bad-baadeen labo guddoomiye oo hore xilka u haayay, waxayna labadaasi bad-baaday kala yihiin guddoomiyaha degmada Kaxda iyo kan degmada Heliwaa.

MAGACYADA GUDDOOMIYEYAASHA CUSUB EE LA MAGACAABAY

1- Guddoomiyaha cusub ee degmada Warta-Nabada waxaa loo magacaabay Zeynab Maxamuud Warsame, waxaana hore xilkaasi u haayay Yaasiin Nuur Ciise.

2- Guddoomiyaha cusub ee degmada Waaberi waxaa loo magacaabay Roodo C/laahi Colaad, waxaana hore xilkaasi u haayay Xuseen Axmed Culusow.

3- Guddoomiyaha cusub ee degmada Shangaani waxaa loo magacaabay Basmo Cumar Axmed, waxaana hore xilkaasi u haayay C/qaadir Maxamed C/qaadir.

4- Guddoomiyaha cusub ee degmada Shibis waxaa loo magacaabay Safiyo Sheekh Cali Jimcaale, waxaana hore xilkaasi u haayay Axmed Muumin Maxamed.

5- Guddoomiyaha cusub ee degmada Boondheere waxaa loo magacaabay Zeynab Yuusuf Wehliye, waxaana hore xilkaasi u haayay Qaasim C/laahi Xasan (Dheere).

6- Guddoomiyaha cusub ee degmada Dharkeenley waxaa loo magacaabay C/raxmaan Sayid Cali Xuseen, waxaana hore xilkaasi u haayay C/fitaax Nuur Cali (Yaanyo).

7- Guddoomiyaha cusub ee degmada Hodan waxaa loo magacaabay Maxamed Axmed Maxamuud (Cantoobo), waxaana hore xilkaasi u haayay Axmed Salaad Ibraahim.

8- Guddoomiyaha cusub ee degmada Yaaqshiid waxaa loo magacaabay Axmed Xasan Maxamuud, waxaana hore xilkaasi u haayay Cismaan Maxamuud Cadaawe.

9- Guddoomiyaha cusub ee degmada Wadajir waxaa loo magacaabay Cumar C/laahi Xasan, waxaana hore xilkaasi u haayay Axmed Cabdulle Afrax.

10- Guddoomiyaha cusub ee degmada X/weyne waxaa loo magacaabay Cumar Shariif Maye, waxaana hore xilkaasi u haayay Saciid C/qaadir Saciid.

11- Guddoomiyaha degmada X/jajab waxaa loo magacaabay C/weli C/laahi Maxamed, waxaana hore xilkaasi u haayay Axmed Cismaan Dhoore.

12- Guddoomiyaha cusub ee degmada Kaaraan waxaa loo magacaabay C/fataax Nuur Cali (Yaanyo), waxaana hore xilkaasi u haayay Cumar Meyre Macoow.

13-  Guddoomiyaha cusub ee degmada H/wadaag waxaa loo magacaabay C/kariin Cali Cabdi (Kaar), waxaana horey xilkaasi u haayay Ciise Maxamuud Guure.

14- Guddoomiyaha cusub ee degmada C/casiis waxaa loo magacaabay Sharmaarke Maxamed Ladane, waxaana hore xilkaasi u haayay Cismaan Muxudiin Cali Cariif.

15- Guddoomiyaha cusub ee degmada Dayniile waxaa loo magacaabay C/wali Nuur Faarax, waxaana hore xilkaasi u haayay Axmed Nuur Cabdi Siyaad.

error: Content is protected !!