Guddoomiyeyaasha cusub ee degmooyinka gobolka Banaadir oo xilliyadda soo aadan lagu dhawaaqi doonno

Waxaa gelinka dambe ee maanta illaa maalinta berito la filayaa in si rasmi ah loogu dhawaaqo guddoomiyeyaasha cusub ee degmooyinka gobolka Banaadir, kuwaas oo badeli doonna kuwii hore.

Guddoomiyeyaashii hore ee degmooyinka gobolka Banaadir oo intooda badan xilalkii laga qaaday ayaa la sheegayaa in lagu badeli doonno xubno cusub oo ka kala imaan doonno beelaha Soomaaliyeed.

Guddoomiyaha gobolka Banaadir ahna duqa magaalada Muqdisho Thaabit Cabdi ayaa la sheegayaa inuu isagu si gaar ahaaneed usoo xushay guddoomiyeyaasha cusub.

Guddoomiye Thaabit ayaa la sheegayaa inuu saacadihii ugu dambeysay kulan gaar ah la qaatay xubnaha cusub ee loo magacaabi doonno xilalka, waxaana la sheegayaa in xilalka lagu qeybin doonno nidaamka 4.5.

Dhinaca kale, warar hoose oo ay warbaahinta Bulshoweyn heshay ayaa sheegaya in guddoomiyeyaasha cusub ay ku jiraan haween iyo dad qurbe-joog ah, oo ka kala imaan doonno beelaha Soomaaliyeed.

Waa markii ugu horeeysay oo haween iyo dad qurbe-joog ah y madax ka noqdaan guddoomiyeyaasha Gobolka Banaair oo hore u ahaa xilal hoose oo aan qiime badan lahayn.. laakiin hadda loo bedelay jago federaal ah oo weyn.

Wixii warkaan kusoo kordha dib kala soco Insha Allaah

error: Content is protected !!