Ra’iisul wasaare ku-xigeenka oo kulan sagootin ah u sameeyay macalimiin Masaari ah (SAWIRO)

Ra’iisul wasaare ku-xigeenka xukuumadda federaalka Soomaaliya Mahdi Maxamed Guuleed ayaa kulan sogootin iyo mahad celin iskugu jirta u sameeyay macalamiin barayaal ka ahaa iskoolada iyo jaamacadaha ku yaala magaalada Muqdisho.

Macalimiintaasi ayaa la sheegayaa inay yihiin kuwa ka yimid dalka Masar haatana dib ugu laabanaya dalkoodi, waxaana munaasbadaan kasoo qayb galay xildhibaano, qaar ka mid ah golaha wasiirada iyo macalimiinta la sogootinayay.

Wasiirka waxbaraashada ee xukuumadda federaalka Soomaaliya C/raxmaan Daahir Cismaan oo goobtaasi ka hadlay ayaa mahad celin kadib sheegey in macalimiintan ay dalka joogeen todobo bilood haatan ay dib ugu laabanayaan dalkooda.

Sidoo kale, wuxuu wasiirka sheegay in dalka Masar iyo Soomaaliya ay gaareen heshiis ka kooban shan qodob kasoo la xiriira arimaha waxbarashada, waxaana heshiiskaas kamid ahaa in labo iskool la siiyo macalimiinta masaarida.

Macaliminta dalka Masar ayaa dhankooda ka mahad celiyey sida loo soo dhaweeyey waxeyna sheegeen inay tagi doonaan dhamaan gobolada dalka kuna faraxsan yihiin shaqada ay Soomaaliya ka hayaan, sidoo kale waxay casuumeen wasiirka waxbarashada Soomaaliya inuu kusoo booqdo wadankooda, si ay u kormeeraan goobaha waxbarasho ee dalka Masar.

Ra’iisul wasaare ku-xigeenka Soomaaliya Mahdi Maxamed Guuleed ayaa ka sheekeeyay xiriirka ka dhaxeeya Masar iyo Soomaaliya, waxuuna tilmaamay inuu yahay mid taariikhiya oo ku saleysan waxyaabo badan oo ku qotoma waxbarashada, ganacsiga iyo siyaasada labada wadan, wuxuuna caddeeyay inuu dalka Masar uu qayb wayn ka qaatay inay Soomaaliya dib u hesho xoriyadeeda wakhtigii gumeysiga.

“Dowlada Masar iyo shacabkeeda waxey si wayn nooga taageereen dhanka waxbarashada wakhti ay dadka Soomaaliyeed u baahnaayeen inay helaan aqoon dheeraad ah, waxeyna dhiseen goobo waxbarasho sida iskoolka Axmed Gurey ee magaalada Hargeysa” Ayuu yiri ra’iisul wasaare ku-xigeenka Soomaaliya.

Ugu dambeyn, ra’iisul wasaare ku-xigeenka Soomaaliya Mahdi Maxamed Guuleed ayaa u mahad celiyey macalimiinta iyo dowlada Masar, sida wanaagsan ay u garab taagan yihiin Soomaaliya, waxuuna ka codsaday inay sii wadaan taageerida shacabka Soomaaliyeed.

error: Content is protected !!