Wafdi uu hoggaaminayo madaxweyne Farmaajo oo si diiran loogu soo dhaweeyay Jabuuti (SAWIRO)

Wafdi uu hoggaaminaayo madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed C/laahi Maxamed Farmaajo ayaa maanta gaaray magaalada Jabuuti ee dalka Jabuuti, iyadoona si diiran halkaasi loogu soo dhaweeyay.

Wafdiga madaxweyne Farmaajo ayaa waxaa garoonka diyaaradaha ee magaalada Jabuuti kusoo dhaweeyay madaxweynaha dalkaasi Jabuuti Ismaaciil Cumar Geelle, iyadoo si hab maamuus sare loo soo dhaweeyay.

Labada madaxweyne ayaa ka wada hadli doonno xiriirka labada dal, iyadoona dalka Jabuuti ay ka mid tahay dalalka ay ciidamada ka joogaan dalka Soomaaliya.

Sidoo kale, madaxweyne Farmaajo ayaa lagu wadaa inuu magaalada Jabuuti kaga qeyb-galo xaflad uu madaxweynaha Jabuuti Ismaaciil Cumar Geelle ku daah furaayo dekedda cusub.

Waa markii ugu horeeysay uu madaxweyne Farmaajo booqasho ku tago dalka Jabuuti, tan iyo markii xilka loo doortay 8-da bisha Febraayo ee 2017-ka.

Dhawaan ayay ahayd markii madaxweyne Farmaajo uu safar kala duwan ku kala bixiyay dalalka dariska ah ee Itoobiya iyo Kenya, halkaasi oo uu kulamo kula soo qaatay madaxda dalalkaas.

error: Content is protected !!