Faah faahin:- Qarax aad u xoogan oo ka dhacay agagaarka dekedda magaalada Muqdisho (SAWIRO)

Waxaa faah faahin dheeraad ah laga helayaa qarax aad u xoogan oo gelinkii dambe maanta ka dhacay goob maqaaxi ah oo ku taallo agagaagarka dekedda magaalada Muqdisho.

Qaraxaas oo ahaa mid loo adeegsaday gaari walxaha qarxa laga soo buuxiyay ayaa uljeedkiisu ahaa in lagu dilo ciidamo ka tirsan dowladda Soomaaliya oo ku sugnaa agagaarka maqaaxidda weerarka lagu qaaday.

Illa 5 qof ayaa la xaqiijiyay inay ku geeriyootay qaraxaasi, iyadoona tiro intaasi ka badan ay ku dhaawacantay sida ay xaqiijiyeen saraakiisha amniga ee xukuumadda federaalka Soomaaliya.

Dadka waxyeelada kasoo gaartay qaraxaasi ayaa la sheegayaa inay u badnaayeen askar iyo dad shacab ah oo ka agdhawaa goobta uu qaraxa ka dhacay.

Qaraxa kadib, ciidamo ka tirsan nabad-sugidda qaranka Soomaaliya oo goobta qaraxa ka dhacay gaaray ayaa gebi ahaan xiray wadada soo gasha halkaasi, iyagoona kadib baaritaano halkaasi ka bilaabay.

Sidoo kale, waxaa goobta uu qaraxa ka dhacay soo gaaray gaadiidka gurmadka deg dega ah oo halkaasi ka daad gureeyay dadkii qaraxaasi ku waxyeeloobay.

Mid ka mid ah dadkii ka agdhawaa goobta uu qaraxa ka dhacay ayaa warbaahinta Bulshoweyn u sheegay in gaariga qarxay uu noociisa ahaa Caasi, kaasi oo walxaha qarxa laga soo buuxiyay.

Dhinaca kale, muuqaalo laga soo qaaday goobta uu qaraxa ka dhacay iyo gaariga qarxay ayaa muujinaya in burbur aad u xoogan uu soo gaaray guryo badan iyo sidoo kale gawaari yaallay goobta uu qaraxa ka dhacay.

error: Content is protected !!