Milkiilaha maqaayadda The Village oo warqad dacwo ah u diray Michael Keating

Milkiilaha maqaayadda The Village ayaa qoraal dacwo ah u diray wakiilka Qaramada Midoobay ee Soomaaliya Michael Keating.

Qoraalka Axmed Jaamac ayaa ahaa cabasho iyo welwel uu ka muujiyay go’aan uu ku sheegay mid laga naxo oo Qaramada Midoobay ay maqaayadiisa kula kacday markii ay shaqaalaha UN-ka ka mamnuucday inay tagaan ama ka cunteeyaan.

Natiijadii ka dhalatay digniintii UN-ka ayuu sheegay milkiile Axmed in maqaayadiisa ay soo wajahday xaalad adag oo maalin kasta uu sii luminayo macaamiil, islamarkaasina dareemayo hoos u dhac ku yimid ganacsigiisa.

Wuxuu dalbaday in baaritaan rasmi ah lagu sameeyo arrinta keentay in maqaayadiisa si gaar ah loo bar-tilmaameedsado.

Ugu dambeyntii, qoraalka dacwada ah ayaa sidoo kale la ogeysiiyay madaxda dowladda federaalka Soomaaliya, hay’adaha nabad-sugidda, wasaaradda arrimaha gudaha, NISA iyo guddoomiyaha gobolka Banaadir.

error: Content is protected !!