Saraakiil Kenya oo lagu dilay qarax ka dhacay duuleedka magaalada Garissa (SAWIRO)

Saraakiil ka tirsan ciidamada booliska Kenya ayaa lagu dilay qarax miino oo lala eegtay gaari ay saarnaayeen oo maraayay duuleedka magaalada Garissa ee gobolka waqooyi bari Kenya.

Inta la xaqiijiyay in seddax ka mid ah saraakiishaas ayaa ku dhimatay, halka labo kale ay ku dhaawacantay.

Dowladda Kenya ayaa ka gaabsatay inay shaaciso magacyadda saraakiisha dhimatay, iyadoona labada kale ee dhaawacantay lagu kala magacaabo Oliver Ochieng iyo Nahashon Omondi.

Dhinaca kale, afhayeen u hadlay booliska Kenya ayaa sheegay in qaraxaasi ay ka dambeeyaan kuwa argagixiso ah, kuwaas oo dhawaan degmada Mandhera ku dilay madixii booliska ee degmadaas.

Wuxuu sheegay in boolisku ay feejignaan dheeri ah ku jiraan, waxaana uu shacabka ugu baaqay inay booliska kala shaqeeyaan xaqiijinta amniga.

Dagaalyahanadda Al-shabaab ayaa dhawaan tababar usoo xiray ciidamo ajaanib ah oo ay ku jiraan kuwa Kenyaati ah, waxayna hawlgalo ka fullin doonaan gudaha dalkaasi Kenya.

error: Content is protected !!