Puntland jawaab kulul ka bixisay eedeymo uga yimid dowladda dhexe ee Soomaaliya (AKHRISO)

Wasaaradda kaluumeysiga ee maamulka Puntland ayaa jawaab kulul ka bixisay eedeyn dhawaan uga timid wasiirka kaluumeysiga ee xukuumadda federaalka Soomaaliya C/raxmaan Maxamed Cabdi.

War-saxaafadeed kasoo baxay xafiiska wasiirka kaluumeysiga ee maamulka Puntland ayaa lagu sheegay in eedeymaha loo jeediyay wasaaradiisa ay yihiin kuwa waxba kama jiraan ah, balse ay wasaaradda kaluumeysiga ee xukuumadda federaalka diiday inay saxiixdo shirkaas.

Dhawaan ayay ahayd markii wasaaradda kaluumeysiga ee maamulka Puntland lagu eedeeyay inay fashiliyeen shir looga hadlaayay sidii loo heli lahaa nidaam mideysan oo loo bixin karo shatiyadda kaluunka TUUNAHA ah iyo sidii loo qeybsan lahaa dakhliga kasoo xarooda.

error: Content is protected !!