Ra’iisul wasaare Kheyre iyo ku-xigeenkiisa oo daah-furay ololaha billicda dalka (SAWIRO)

Ra’iisul wasaaraha xukuumadda federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Cali Kheyre iyo ku-xigeenkiisa Mudane Mahdi Maxamed Guuleed ayaa maanta si rasmi ah u daah-furay ololaha nadaafadda ee billicda dalka oo ka bilawday magaalada Muqdisho.

Ololahaasi oo ah mid lagu aruurinayo dhammaan qashinka yaalla goobaha aan loogu tala galin iyo wadooyinka magaaalda Muqdisho ayuu ra’iisul wasaare Xasan Cali Kheyre ku dhiiri galiyey shaqaalaha xafiiskiisa inay illaaliyaan nadaafada iyo billicda dalka, gaar ahaan magaaalada Muqdisho, si loo helo deegaan nadiif ah.

Ra’iisul wasaare Kheyre ayaa sheegay in ollolahaan uu noqon doonno mid qaran, islamarkaana bil walba oo khaamiista ugu dambeysa ah laga sameeynayo dhamaan gobollada dalka, waxuuna raaciyay in loo baahan yahay bulshada Soomaaliyeed inay is abaabulaan una diyaar garoobaan, si ay iskood wax u qabsan lahaayeen.

“Magaalada Muqdisho waa caasimadda dalka, waana muraayadda dalka, sidaas daraadeed mashruucan ololaha nadaafadda ee billicda dalka, waxuu soo celinayaa billicdii ay caasimadu laheyd, horumarka uu dalku ku tallaabsanayo maalin walba waxay keentay in dadkeenu ku dhiiradaan sidii ay iskood dalkooda wax ugu qaban lahaayeen, shirkadaha maxaliga ah ee ka shaqeeya nadaafadda waxaa fursad loo siiyay in kaallintooda ay qaataan, nadaafadu waa waajib diini ah oo nooga wada baahan inaan ka wada shaqeeyno.” Sidaas waxaa yiri ra’iisul wasaare Kheyre.

Ugu dambeyntii, ra’iisul wasaare Kheyre ayaa sheegay in ololahaan nadaafadeed uu noqon doonno mid laga sameyn doonno dhamaan xarumaha dowladda iyo degmooyinka Muqdisho, iyadoo ay xukuumadda iyo maamulka gobolka Banaadir hormuud u yihiin ololahaan lagu nadiifinayo caasimadda dalka.

error: Content is protected !!