Saraakiil ka tirsan ciidanka Kenya oo maanta qarax kale lagu dilay

Saraakiil ka tirsan ciidamada booliska Kenya ayaa maanta qarax kale lagula eegtay duuleedka magaalada Garissa ee gobolka waqooyi bari Kenya, kadib markii gaari ay saarnaayeen uu dul maray miino dhulka ku aasneyd.

Inta la xaqiijiyay in 5 ka mid ah ciidankaasi ayaa ku dhimatay, halka tiro kale ay ku dhaawacantay.

Qaraxaan ayaa noqonaya kii labaad ee muddo labo maalmood ah gudaheed ah lagu qaado ciidanka booliska Kenya, waxaana qarax shalay magaalada Gaarissa lagula eegtay lagu dilay seddax sarkaal oo boolis ah

Dhinaca kale, afhayeen u hadlay booliska Kenya ayaa sheegay in qaraxyadaasi ay ka dambeeyaan kuwa argagixiso ah, kuwaas oo dhawaan degmada Mandhera ku dilay madixii booliska ee degmadaas.

Wuxuu sheegay in boolisku ay feejignaan dheeri ah ku jiraan, waxaana uu shacabka ugu baaqay inay booliska kala shaqeeyaan xaqiijinta amniga.

Dagaalyahanadda Al-shabaab ayaa dhawaan tababar usoo xiray ciidamo ajaanib ah oo ay ku jiraan kuwa Kenyaati ah, waxaana ciidankaasi loogu tallo-galay inay hawlgalo ka fulliyaan gudaha dalkaasi Kenya.

error: Content is protected !!