Wariye C/maalik Muuse Coldoon oo maanta xabsiga laga sii daayay (AKHRISO)

Wareegto uu maanta soo saaray madaxweynaha maamulka Somaliland Axmed Maxamed Maxamuud Siilaanyo ayaa waxaa cafis loogu fidiyay Wariye C/maalik Muuse Coldoon oo ay hore maxkamadda magaalada Hargeysa ugu xukuntay labo sano oo xarig ah.

Maxkamadda magaalada Hargeysa ayaa sanadkaan horaantiisa wariye C/maalik Muuse Coldoon ku xukuntay muddo labo sano oo xarig ah, kadib markii lagu eedeeyay inuu meel kaga dhacay jiritaanka iyo qaranimada Somaliland.

Wariye Coldoon oo markii lasoo daayay saxaafadda la hadlay ayaa madaxweyne Siilaanyo uga mahad-celiyay cafiska uu u fidiyay, isagoona sheegay inuu aad ugu faraxsan yahay in xuriyadiisa uu dib u helay.

Sharciga u degsan maamulka Somaliland ee xeerarka xabsiyadooda ayaa dhigaya in cafiska ugu dambeeya uu leeyahay madaxweynahas, iyadoona dadaalo dheeraad ah oo ay bixiyeen odayaasha iyo culumada halkaasi ku nool ay ku guuleysteen in maanta lasii daayo Wariye Coldoon.

error: Content is protected !!