Dowladda Soomaaliya oo ku dhawaaqday in berri ay tahay maalinta koowaad ee bisha Ramadaan

Dowladda federaalka Soomaaliya ayaa goordhaw ku dhawaaqday in maalinta berri ay tahay maalinta koowaad ee bisha barakeeysan ee Ramadaan.

Madaxda dowladda Soomaaliya ayaa shacabka Soomaaliyeed meel kasto oo ay joogaan ugu hambalyeeyay bisha barakeeysan ee Ramadaan, iyadoona guud ahaan dalalka Islaamka maalinta berri si wadajir ah looga wada soomi doonno.

Wasaaradda diinta iyo awqaafta ee xukuumadda federaalka Soomaaliya ayaa sheegtay in qeybo badan oo ka tirsan gobolada dalka lagu arkay bilashada bisha Ramadaan, waxaana meelaha lagu arkay ka mid ah gobolada dhexe, Sh/dhexe iyo gobolada waqooyi ee dalka.

Bisha Ramadaan ayaa kusoo beegmaysa xilli qeybo badan oo ka mid ah goboladda dalka ay ka da’een roobab lagu diirsaday, waxaana sidoo kale weli jira meelo aanay weli ka da’in roobabka oo ay ka mid yihiin gobolada waqooyi ee dalka.

error: Content is protected !!