Madaxweyne Farmaajo oo la kulmay Sheekh C/rashiid Sheekh Cali Suufi (SAWIRO)

Wafdi uu hoggaaminaayo madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed C/laahi Farmaajo ayaa magaalada Doha ee dalka Qadar kula kulmay Sheekh C/rashiid Sheekh Cali Suufi oo halkaasi in muddo ah ku nool.

Madaxweyne Farmaajo iyo wafdigiisa ayaa Sheekh C/rashiid Sheekh Cali Suufi kula kulmay masjidka uu iimaamka ka yahay ee ku yaalla magaalada Doha, isagoona si diiran halkaasi ugu soo dhaweeyay.

Labada dhinac ayaa iska xog-wareystay xaalka uu dalka maraayo, wuxuuna Sheekh C/rashiid u jeediyay madaxweynaha iyo wafdigiisa dardaaran iyo fariin ku saabsan ammaanada hoggaaminta umadda.

Dhinaca kale, Sheekh C/rashiid Sheekh Cali Suufi ayaa shacabka Soomaaliyeed ugu baaqay inay qabsadaan xariga Alle, islamarkaana ay is-cafiyaan maadaama bisha barakeysan ee Ramadaan ay inagu soo fool-leedahay.

Sheekh C/rashiid Sheekh Cali Suufi ayaa caan ku ah aqrinta Quraanka Kariimka, wuxuuna ka mid yahay culimadda ugu caansan dalalka Islaamka, isagoona sidoo kale ka mid ah culimadda Soomaalida kuwooda ugu caansan.

error: Content is protected !!