Maxkamadda sare oo amartay in dib loogu noqdo doorashada 8 xildhibaan (AKHRISO)

Maxkamadda sare ee dalka ayaa waxba kama jiraan ku tilmaamtay go’aankii ay madaxda madasha qaranka iyo guddigii doorashada federaalka ku ansixiyeen 8 kursi oo ka mid ahaa 11-ka kursi oo ay guddiga xallinta khilaafadka hore u laaleen.

Maxkamadda oo go’aankaan soo saartay 16-ka bishaan ayaa sheegtay inay waajib tahay in dib loogu noqdo doorashada 8-da kursi oo ka mid ahaa kuraas ay hore u laaleen guddiga xallinka khilaafaadka.

8-da xildhibaan ee sharci ahaantooda la laalay ayaa kala ah:-

1- Muna Khalif Sheekh Abu (Muna Kay)
2- C/laahi Maxamed Aadan Shaacir
3- Maxamed Saciid C/laahi
4- Maxamed Axmed Abdtidoon
5- Nadiif Aadan Isaaq
6- C/casiis Saalax Carmaan
7- Sharmarke Garaad Saleebaan Buraale
8- Samra Ibraahim Cumar

Dhibanayaasha dacwada loo xukmay ayaa waxay kala yihiin:-

1- Muumino Sheekh Cumar
2- Aadan Maxamed Cali
3- Khaalid Cumar Cali
4- Maxamed Mukhtaar Ibraahim
5- Boqor C/laahi Axmed Cali
6- Malaaq Siidow Maadow
7- Ibraahim Saalax Dayfullah
8- Caasho Xaaji Cilmi

Illaa iyo haatan lama oga sida rasmiga ah uu go’aankan ku dhaqan-geli doonno iyo in xildhibaan 6 bilood ku dhawaad kursi ku fadhiyay uu aqbali karo go’aankan ay maxkamadda sare soo saartay.

error: Content is protected !!