Burcad badeed Soomaali oo qafaashay doon kalluumeysi oo laga leeyahay Koonfur Kuuriya

Burcad badeeda Soomaalida ayaa lagu soo waramayaa in meel ka baxsan biyaha dalka Soomaaliya ay ka qafaasheen doon kalluumeysi ah oo laga leeyahay Koonfurta Kuuriya, iyaga oo lasoo aaday dhanka xeebaha dalka Soomaaliya.

Saraakiil ka tirsan ciidamada militeriga Koonfur Kuuriya ayaa sheegay in doonidaasi la afduubtay ay saarnaayeen shaqaale u dhashay dalkooda iyo qaar kale oo u kala dhashay qaaradda Aasiya.

Sidoo kale, saraakiishaasi ayaa sheegay inay aaminsan yihiin in doonidaasi la afduubtay lala soo aaday dhinaca dalka Soomaaliya, maadaama qadka lagala socday ay ka luntay.

Dhinaca kale, madaxweynaha dalka Koofur Kuuriya Moon Jae-in ayaa amar ku bixiyay in sida ugu dhaqsiyaha badan loo soo furto doonidaasi kalluumeysiga ahayd ee laga afduubtay meel ka baxsan biyaha Soomaaliya.

Waa doontii afaraad oo ay kooxaha burcad badeeda afduubtaan sanadkaan gudihiisa, inkastoo inta badan kuwa kala laga soo daayay.

Burcad badeeda Soomaalida ayaa muddooyinkaan dambe aad u xoojisay weerarada ay ku qaadayaan maraakiibta iyo doonyaha sida sharci daradda ah uga kalluumeysta biyaha Soomaaliya.

error: Content is protected !!