DEG DEG:- Ciidanka NISA oo gacanta ku dhigay gaari ay saaran yihiin walxaha qarxa

Ciidamada nabad sugidda qaranka ee NISA ayaa daqiiqado kahor gacanta ku dhigay gaari la sheegay inay saaran yihiin walxaha qarxa, kaas oo marayay isgoyska Albaraka ee magaalada Muqdisho.

Gaarigaan ayaa la sheegayaa inuu waday nin dhalinyaro ah oo da’diisa lagu qiyaasay 28 jir, waxayna ciidanka NISA haatan su’aalo weydiinayaa ninkaasi oo meel gees ah lagu wareeysanayo.

Dhinaca kale, ciidanka NISA ayaa dadka shacabka ah iyo gaadiidkaba ku amray inay ka dheeraadaan goobta uu haatan gaariga yaallo, waxayna ciidankaasi xireen dhammaan waddooyinka soo gala goobtaas.

Gaarigaan ayaa laga cabsi qabaa inuu qarxo, waxayna saraakiisha NISA haatan wadaan dadaalo ah sidii baaritaan loogu sameyn lahaa gaariga oo haatan yaalla Isgoyska Albaraka ee degmada Hodon.

Wixii warkaan kusoo kordha dib kala soco Insha Allaah

error: Content is protected !!