Kooxo hubeysan oo gobolka Mudug ku dilay labo wiil oo walaalo ah

Kooxo hubeysan ayaa duuleedka degmada Jariiban ee gobolka Mudug ku dilay labo wiil oo walaalo ah.

Dilkaan ayaa ka dhacay deegaanka Cali-waal oo ku yaalla degmada Jariiban, iyadoo dilka labadaasi wiil uu salka ku hayo aano qabiil.

Labada wiil ee la dilay ayaa la sheegayaa inay ahaayeen dad xoolo dhaqato ah, waxaana rasaas ku furay dabley hubeysan oo weerar ku qaaday waxayna arrintaan naxdin ka dhalisay deegaankaasi.

Dadka deegaanka oo warbaahinta Bulshoweyn la hadlay ayaa weerarkaasi ku eedeeyay inay ka dambeeyeen ciidamo ka tirsan maamulka Puntland, kuwaas oo ay sheegeen inaay wateen gaari hubeysan oo tikniko ah.

Dilka labadaasi wiil ayaa kor usii qaaday xiisadii dagaaleed ee ka taagneyd deegaanada gobolka Mudug, waxaana laga cabsi qabaa in dagaal uu dhexmaro beelaha dhowr jeer hore ku dagaalamay gobolkaas.

error: Content is protected !!