Sababta keentay in diyaaradda Turkish Airlines ay uga degi weysay garoonka Aadan Cadde (AKHRISO)

Saraakiil ka tirsan kuwa saadaasha hawada ee dowladda federaaalka Soomaaliya ayaa sheegaya in diyaaradda Turkish Airlines ay xilligaan awoodi weysay inay kusoo degto garoonka diyaaradaha Aadan Cadde ee magaalada Muqdisho.

Sababta arrintaas keentay ayay saraakiishaasi ku sheegeen inay tahay dabeylo ka jira magaalaada Muqdisho, gaar ahaan dhinaca badda oo ay diyaaradaasi kaga soo gasho garoonka Aadan Cadde, waxayna taasi keentay in diyaaradaasi ay dhibaato la kulanto.

Sidoo kale, saraakiishaas ayaa sheegaya in guud ahaan diyaaradaha imaanaya magaalada Muqdisho aysan dul mari karin magaalada Muqdisho xaalado amni awgeed, waxayna arrintaasi sii adkeysay xaaladda cakiran ee haatan taagan

Diyaaradda Turkish Airlines oo muddo toddobaad ka badan awoodi weysay inay ku degto garoonka Aadan Cadde ee magaalada Muqdisho ayaa dib ugu laabtay garoomadda Jabuuti iyo Mombasa, halkaas oo ay rakaabkii ay wadeen dhigeen, islamarkaana loo kireeyay hoteelo, kadibna diyaarado kale halkaasi looga soo qaaday.

Si kastaba ha ahaatee, jah-wareerkaan ka dhexjira shirkadda Turkish Airlines ayaa keentay in dadkii ku qornaa inay diyaaradda dib uga raacaan magaalada Muqdisho ay dib uga dhacaan safarkooda, waxaana laga cabsi qabaa inuu hakad ku yimaado duulimaadyada inta ay dabeylaha socdaan.

error: Content is protected !!