Axmed Daaci oo ka hor-yimid go’aankii ay dhawaan soo saareen golaha wasiiradda Soomaaliya

Guddoomiyihii hore ee degmada Wadajir Axmed Xasan Caddow (Axmed Daaci) ayaa si weyn uga hor-yimid go’aankii ay dhawaan soo saareen golaha wasiiradda ee xukuumadda federaalka Soomaaliya, kaas oo ahaa mid lagu xadidday hubka ay magaalada ku dhex qaadan karaan illaalada madaxda dowladda Soomaaliya.

Axmed Daaci oo hadal kooban ka jeediyay munaasabad ka dhacday degmada Wadajir ee magaalada Muqdisho ayuu ka sheegay in dowladda cusub ee Soomaaliya uu ka muuqdo deg-deg fara-badan, lagana rabo inay ka fiirsato marka ay gaarayso go’aanada qaar ee la xiriira sugidda amniga dalka.

Dowladii uu madaxweynaha ka ahaa Xasan Sheekh Maxamuud ayaa lagu xasuustaa in Axmed Daaci ay dagaal la gashay islamarkaana ay ka qaaday hub faraha badan, kadib markii ay gurigiisa ku weerareen ciidamo isugu jiray AMISOM iyo kuwo dowladda Soomaaliya.

Dhinaca kale, Axmed Daaci ayaa caddeeyay in go’anka hubka illaalada madaxda dowladda lagu soo rogay uu yahay mid halis gelin kara nolosha mas’uuliyiinta dowladda federaalka Soomaaliya, isagoona arrinkaasi ku macneeyay inay tahay mid Al-shabaab loogu fududeeynayo qaarajinta mas’uuliyiinta dowladda.

“Waxaan ognahay in dowladda Soomaaliya aysan laheyn xeryo lagu uruuriyo hubka, ninka qoriga amnigiis ku sugaya hadii inta gurigiisa isagoo u socda wadada loo galo, qorigana laga qaado, Shabaabna uu jidka u joogo oo uu dilaayo, arrintaas sax ma ahan, waxay arrintaan ka jirtaa oo kaliya gobolka Banaadir, gobolada kale nalama qabaan arrinkaan, marka sax ma ahan in qori meel laga qaado, qoriga shabaabka uu yaalo, aniga ma sheegi karo hadii arrintaan tahay shaqo ogaal darro ku timid iyo arrin uljeedo gaar ah laga leeyahay” Sidaas waxaa yiri guddoomiyihii hore ee degmada Wadajir Axmed Daaci.

Dhinaca kale, Axmed Daaci ayaa ku baaqay inta aan hubka laga qaadin mas’uuliyiinta dowladda in kahor hub ka dhigis lagu sameeyo tuugadda iyo dagaalyahanadda Al-shabaab.

“Waxaan ka codsanayaa dowladda Soomaaliya in marka hore ay hub ka dhigis ku sameeyso tuugadda iyo kuwa ka tirsan Al-shabaab, maxaa yeelay halkee looga ammaan helaa dadkaasi hadii la mamnuuco hubka lagu illaalinaayo mas’uuliyiinta dowladda, hubka mas’uuliyiintaasi hadii uu yahay mid sharci darro ah waa in la qabtaa, balse hadii uu hub sharci ah yahay in la qaado sax ilama ahan” Ayuu hadalkiisa raaciyay Axmed Daaci.

Si kastaba ha ahaatee, hadalka kasoo yeeray guddoomiyihii hore ee degmada Wadajir Axmed Xasan Caddow (Axmed Daaci) ayaa kusoo beegmaya xilli dhawaan golaha wasiiradda ee xukuumadda Soomaaliya ay soo saareen amar ah in illaalada mas’uul kasta oo ka tirsan dowladda Soomaaliya aysan qaadan karin wax ka badan 4 qori oo AK-47 ah.

error: Content is protected !!