Waxaa wel-wel aad u xoogan lasoo daristay dadka ku nool magaalada Qardho ee xarunta gobolka Karkaar, kadib markii dhul ku yaala duuleedka magaaladaasi uu dil-dillaacay islamarkaana uu godad waaweyn yeeshay.
Qaar ka mid ah dadka ku nool duuleedka magaalada Qardho oo la hadlay warbaahinta Bulshoweyn ayaa u sheegay inay arkeen dhulka oo labo qeyb kala noqday, kadibne godad waaweyn yeeshay.
Arrintaasi ayaa keentay inay cabsi aad u weyn lasoo daristo shacabka ku nool duuleedka magaalada Qardho ee xarunta gobolka Karkaar, iyadoona muuqaalo laga soo qaaday qaabka uu dhulkaasi u dillaacay ay muujinaayaan in cabsi weyn ay arrinkaasi keeni karto.
Illaa iyo haatan lama oga sababta rasmiga ah ee keentay in dhulkaasi uu si iskiis ah isaga dil-dillaaco islamarkaana godad waaweyn ka sameysmo, iyadoona aanay weli jirin khubaro arrintaas u kuur-gashay kadibne baaritaano ku sameeysa.