Nin hubeysan oo rasaas ku furay dad raashiin loogu qeybinaayay magaalada Caabudwaaq

Nin hubeysan ayaa la sheegayaa inuu rasaas ku furay dad shacab ah oo raashin loogu qeybinaayay magaalada Caabudwaaq ee gobolka Galgaduud.

Illaa 4 qof ayaa la xaqiijiyay inay rasaastaasi ku geeriyootay, iyadoona 13 kale ay ku dhaawacantay, sida ay inoo xaqiijiyeen mas’uuliyiinta maamulka magaalada Caabudwaaq ee gobolka Galgaduud.

Dadkaasi la rasaaseeyay oo ka mid ahaa dadkii abaaraha kasoo barakacay ayaa la sheegayaa in xilligii rasaasta lagu furay ay saf dheer ugu jireen raashiin deeq ah oo halkaasi laga qeybinayay.

Ninka falkaasi geystay ayaa la sheegayaa inuu ka carooday qaabka wax loo qeybinaayay, waxayna mas’uuliyiinta maamulka magaalada Caabudwaaq sheegeen inay haatan ninkaasi gacanta ku dhigeen.

Lama oga sida laga yeeli doonno ninka falkaan dilka iyo dhaawaca ah u geystay dad masaakiin ah oo raashiiin loogu qeybinaayay magaalada Caabudwaaq ee gobolka Galgaduud.

Wixii warkaan kusoo kordha dib kala soco Insha Allaah

error: Content is protected !!